Raxanreeb (Muqdisho) Saraakiisha NISA iyo Booliska gobolka Hiiraan ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho kaddib Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne 3-dii bishan.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Kor. Isaaq Cali Cabdulle oo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wararka sheegayaan in xabsiga loo taxaabay.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa taliyayaasha NISA iyo Booliska Hiiraan ku eedeeyay in aay gabeen doorkoodii sugidda amniga Beledweyne iyo wax ka qabashada dadkii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.
Beledweyne waxa ay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee Qaraxyada khasaaraha badan ka dhasheen ay ka dhaceen isla markaana aan weli la arag cid lagula xisaabtamo ama qaadda masuuliyadda qaraxyadaasi.
Leave a Reply