Sheekh  Shariif siduu uga hadlay muddo kordhinta laga karkarinayo Xasan Sheekh ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Markale ayuu ku celiyay Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed inuusan marna ogolaan doonin muddo kordhinta  Xasan Sheekh  uu ku doonayo inn xil haynta uu ku dhigto shanta sanno ee soo socota.

Shariif Xasan waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo dadaal kasta oo lagu bixinayo  muddo kordhinta qorshaheeda hadda laga karkarinayo Villa Soomaalita

Shariif oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arintan uu kaga hadlayo  ayuu ku yiri.

‘’Waxaan aminsanahay in dalku u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka, sidaas darteed waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo dadaal ku bixinayso ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah ‘’

Shariif Xasan  ayaa qaba in lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda.

Shariif ayaa markale ku celiyay in muhiim ay tahay in laga dheeraado wax kasta oo shaki galin kara shacabka Soomaaliyeed , wixii shalay la diidayna hadda macquul aysan ahayn in dalka ay ka dhacaaan oo uu ula jeeday qorshihii Farmaajo ee muudo kordhinta.

‘’Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inuu qaato mowqif sharafeed, dalkane ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni. Waxaan kale oo aan caddaynayaa baaq wadareedka soo baxay xalay in uusan soo marin wada tashigi loo baahna ‘’ ayuu markale ku yiri qoraalkiisa Shariif  Sheekh Axmed.

Magaalada Muqdisho ayaa laga karkarinaa  in muddada xil haynta Madaxwaynaha iyo tan Golaha shacabka iyo maamulada qaarba laga dhigo shan sanno , taas oo siyaabo kala duwan oo  diiday .

Leave a Reply

Your email address will not be published.