Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Garowe

Garowe (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland shilkaas ayaa sababay dhimashada labo qof halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari dhayne ah oo siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garowe uu rogmaday, xilli uu isku dayay inuu meel dalcad ah laamiga kasoo fuulo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laada qof ay u geeriyoodeen dhaawac culus oo kasoo gaaray Shilka, halka Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan kuwo dhaawacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada iyo dadweyne ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilka gaari.

Dhowr jeer ayaa shilal Gaari ay ka dhaceen magaalada Garoowe, waxaana shilkaan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay magaalada Garoowe iyo degaannada ku xeeran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.