Guddoomiye Cali Jeyte oo ka war bixiyay safar uu ku yimid Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa maanta ka warbixiyey safar shaqo oo uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli ay howlgallo ay ka socdaan gobolka uu maamulo.

Jayte ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka safarkiisa uu la xiriiro dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaanada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu kala hadli doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Safarkeyga Muqdisho waxa uu ku saabsanyahay waqti dheer ayaan dagaal ku jirnaa waxaan madaxda dowladda la wadaageynaa sidii wax looga baddeli lahaa qorshaha dagaalka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay isku xirka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

“Howlgalka waxaa kasoo billawnay dhinaca waqooyi gaar ahaan Matabaan, waxaana rabnaa in aan isku xirno Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu raaciyey Cali Jayte Cismaan.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo sidoo kale deegaano looga qabsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.