Shirar si xowli ah uga bilowday  Muqdisho & dooda Dastuurka.

Shirar si xowli ah uga bilowday  Muqdisho & dooda Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo siyaasadeed ka dib markii  magaalada uu soo gaaray madaxwaynihii hore ee  dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa muuqaal iska soo duubay markii uu yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu sii joogi doono oo ka shaqey doono arrimo siyaasi ah, sida wax ka bedelka ku socda dastuurka.

Waxaa magaalada hore ugu sugnaa madaxwaynihii Dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo dhankiisa galangal siyaasadeed ka wada caasimadda .

Shirar kala duwan oo looga hadlayo  isbedelka la doonayo in lagu sameeyo Dastuurka ayaa saacadihii la soo dhaafay ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxa sidoo kale ku sugan siyaasiin badan oo dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo ujeedkooda uu yahay  Ololaha dhawaan ka bilaaban doono caasimadda.

Waxyaabaha ugu badan ee diirada la saarayo ayaa ah qorshaha Villa Soomaaliya ay ku doonayso in ay  wax kaga bedesho Dastuurka KMG ah oo muran badan uu ka taagan yahay.

Waxa ay sheegeen xubno badan oo xilal ka soo qabtay dalka in waqtigan suurtagal aysan ahayn in lagu dhiirado in wax laga bedelo Dastuurka loona baahan yahay in la galiyo talooyin badan.

Barlamaanka Soomaaliya waxaa hadda ay ka doodayaan hab raaca wax ka bedelka Dastuurka  waxaana la horgeeyayr cutubyo badan oo Dastuurka ah iyadoo golayaasha wali ay ka doodayaan.

Villa Soomaaliya ayaa waqtigan waxay doonaysaa in ay qaado  talaabo kasta oo wax lagaga bedelayo arrimaha Dastuurka si meesha looga saaro awooda Ra’iisulwasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.