Muqdisho (Raxanreeb ) – Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa maanta oo sabti ah isugu soo baxay dadwayne aad uga caraysan dil uu gaystay askar ka tirsan ciidanka Dowladda.
Dilkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Isgoyska Siinaay degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir.
Dadwayne aad ka caraysan dilka wiilka dhallinyarada ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska halkaas oo ay ku muujinayaan sida ay ugu xun yihiin dilka
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadwayne ka soo horjeeda maamulka gobolka Banaadir ay isugu soo baxeen Isgoyska Siinaay laakiin dilka ka dib ayaa la sheegayaa in dadku ay bilaabeen in cadaalad u raadiyaan wiilka la toogtay.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ka jira dilal qaarkood ay gaysanayaan askar ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya .
Leave a Reply