Shirka Cimilada Adduunka oo maalintii labaad ka socda Sharm El-Sheikh.

Sharm El-Sheikh (Raxanreeb ) Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee sanad kasta looga hadlo wax ka qabashada isbedalka cimillada.

Dhanka Soomaaliya waxaa ka qayb galaya  wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha iyo khuburada cimillada  Soomaaliyeed ,  isaga oo la wadaagi doona  Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Inta uu socdo shirkan ayaa  Madaxweynaha Dowladda Federaalka  waxa uu ku soo bandhigi doomaa ayaqorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyaal kala matalaya in ka badan 120 waddan oo dunida ah.

wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.