Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.
Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Xubnaha labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil kale.
Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in deegaanadii uu soo maray uu ku soo arkay xaalado aad u liita, isagoo dadka ku nool deegaanadii la xoreeyey ku tilmaamay inay ahaayeen maxaabiis oo kale.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ciidanka maamulka Hirshabeelle iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadeen talaabooyin waa wayn oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa kooxda Al- Shabaab.
‘’ Ciidanka waa in ay hore u dhaqaaqaan oo ay kooxda ka saaraan dhamaan meelaha ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle ‘’ ayuu yiri Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Mr Guudlaawe ayaa intaas waxaa uu warkiisa ku daray in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, isla markaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer
Leave a Reply