Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goor dhow ka furmay Villa Somalia.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goor dhow ka furmay Villa Somalia.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

waxaa  iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana hore shir kan oo kale ula yeeshay madaxda maamul goboleedyada.

Inta uu socdo shirkan waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga , howlgalka Dowladda Federaalka ka wado gobolada qaar ee dalka iyo qaybsiga khayraadka .Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.