Shirka madasha arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo maanta ka furmay Baydhabo

Shirka madasha arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo maanta ka furmay Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadanimada ee dalka, xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha gargaarka, sidii loo dardargelin lahaa gurmadka la gaarsiinayo bulshada nugul iyo dejinta qorshayaal lagu wajahayo caqabadaha bini’aadanimada ee ka jira Soomaaliya.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhammaan hay’adaha ku lugta leh arrimaha gargaarka si loo helo xal waara oo lagu yareynayo saameynta masiibooyinka iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.