Siciid Deni oo kulan la qaatay madaxda hay’adaha garsoorka Puntland

Garoowe (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Dowladda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta Cabdirashiid Barkhadle Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare, Axmed Shiikh Cumar Xasan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Taaraan, Guddiga sare ee Garsoorka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada, guddoomiyayaasha Maxkamadaha Darajada Koowaad ee degmooyinka iyo xeer-ilaalayaasha gobolada Puntland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd horumarinta hay’adaha Garsoorka iyo dardargelinta howlaha laamaha Caddaaladda, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada garsoorka ee Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.