SOMALILAND  : Natiijada baaritaan lagu sameeyay  Meydka Marxuum Dahable.

SOMALILAND  : Natiijada baaritaan lagu sameeyay  Meydka Marxuum Dahable.

Hargaysa (Raxanreeb )-Somaliland ayaa sheegtay in baaritaan ay ku samaysay maydka AUN Cabdi-Naasir Muuse Dahable kaas oo maydkiisa loo qaaday Somaliland .

Natiijada- baaritaanka Maydka ayay Somaliland waxay ku sheegtay in ay u soo baxday in marxuumkaas si arxan darra ah loo dilay , isla markaana ay ka muuqato jirdil iyo ceeji.

Waxa ay ku eedaysay Somaliland ay  tani ay ka danbeyso sida ay sheeegtay dowladda uu hoggaamiyo  Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa sheegay in xarig cunaha lagaga ciijiyay, sidoo kalana daanka bidix uu jaban yahay. Halka xiniinta bidix iyo isha bidixna ay ka muuqdaan calaamado muujinaya barar iyo dhaawac.

“Waxa kale oo nooga muuqday marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in daanga midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay xiniinta bidix barar fara badana uu ku leeyahay qaraxna ay leedahay”  ayuu u sheegay warbaahinta agaasimaha guud ee isbitaalka Hargaysa.

Waxa la sheegay marxuumkan in lagu dilay gurigaas oo ku yaala magaalada Muqdisho ka dib markii dhawaan uu ka soo laabtay dalka dibadiisa oo uu wax ku soo bartay.

Marxuumka ayaa ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana shalay maydkiisa laga dajiyay magaalada Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.