Xaaladda Galhareeri & Ciidanka oo u ruqaansaday deegaano kale.

Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan howlgalo ka dhan ah kooxaha Al- Shabaab ka dib markii ciidanka Dowladda ay ku guulaysteen in ay ka saaraan deegaano badan oo Shabeellaha Dhexe.

Warark  RBC  uu ka helayo deegaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ,  ay ka socdaan howlgalada ciidanka ay ku baratarayaan amaanka.

Xaalada deegaanka Galhareeri ayaa ah mid degan , halkaas oo tan iyo shalay ay ka socdeen dagaalo xariir ah oo u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Deegaankan ayaa goob muhiim u ahaa Ururka Al-shabaab waxaana dagaal muddo ka socday kadib ciidamada Dowladda kala wareegeen laba maalin kahor.

Goobaha laga saaray kooxda Al- Shabaab waxaa durbadiiba booqday ,  madaxwaynaha maamulka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe halkaas oo uu kula hadlay ciidanka Dowladda iyo kooxaha Macwiislayda.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kormeeray  sidoo kale fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa kacdoonka isaga oo  bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.