Hargaysa (Raxanreeb )- War qoraal ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalkii ka soo yeeray dalalka G7 oo ay ku soo fara galiyeen heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.
Waxa lagu sheegay warka ka soo baxay Somaliland in warka ka soo yeeray G7 uu yahay mid aan waqtigan ku haboonayn maadama ay sheegtay Somaliland in ay u madax banaan tahay galida heshiisyada caalamiga ah.
Qoraalka waxa lagu sheegay in warmurtiyeedka G7 uu muujinayo dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin, “madaama oo dawladaha G7 ay si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay layaab ku noqotay in waddamada G7 oo dimuqudaariyad sheegta in ay dayacaan xaqiiqda ka jirta Somaliland.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaana horey usoo dhaweysay war-murtiyeedkii kasoo baxay waddamada G7 oo taageero loogu muujiyay dowladda Federaalka.
Leave a Reply