Somaliland oo u jawaabtay WHO iskana fogaysay eedeyn oo jeediyay

Somaliland oo u jawaabtay WHO iskana fogaysay eedeyn oo jeediyay

Hargaysa (Raxanreeb ) Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war qoraal ah soo saartay ayaa jawaab adag ka bixisay warbixintii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kasoo saartay dagaalka Laascaanood, taas oo lagu eedeeyay ciidanka Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in WHO kala shaqeyneyso, sidii gurmad iyo adeeg caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi mar kale lagu yiri qoraalka.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Soomaaliand ayaa ku soo aadaya Xilli Ciidamadda Militariga Soomaliland Duqaymo ay la  beegsadeen Magaalada Laascaanood ay dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah iyo bur bur soo gaaray Xarumo Caafimaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.