Kooxda Al- Shabaab oo weerar ka fulisay magaalada Muqdisho

Kooxda Al- Shabaab oo weerar ka fulisay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  weerar gaadma ah oo kooxda Al- Shabaab ay ku soo qaadeen saldhig ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay waxaa la sheegay inuu gaystay dhimasho iyo dhaawac oo u badan ciidanka  Dowladda iyo kooxda weerarka kooxda weerarka soo qaaday.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka Al Shabaab ku dileen afar askari oo ku sugneed koontaroolka, waxaana la sheegay kooxdii weerarka geesatay in ay horey usii qaateen qoryihii askarta ay dileen kana baxsadeen goobta.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray koontaroolka la weeraray ayaa dabagalay kooxdii weerarka geesatay, wararka aan helnay ayaana sheegaya in ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan raggii weerarka gestay.

Al Shabaab ayaan sannadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka ka geesan weerar toos ah oo lamid ah kii xalay dhacay oo kale, waxa ayna ciidamada dowladda saakay wadaan howlgalo ay ku ogaanayaan halka ay ka yimaadeen kooxdii weerarka geesatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.