Somaliland : Shirar ka socda & shacabka oo farta wadnaha ku haya.

Hargaysa ( Raxanreeb ) Muddo xileedka Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo dhamaday ayaa hubaal la ‘aan siyaasadeed ku keenay deegaanada Somaliland.

Caawa magaalada Hargaysa oo cabsi ka jirtay waxaa shir isugu yimid Hoggaamiyaasha mucaaradka Somaliland kuwaas oo muujiyay sida ay u diidan yihiin in kursiga uu sii joogo Muuse Biixi Cabdi.

Waxa ay ku sheegeen shirkooda in Madaxwayne aysan u aqoonsanayn Muuse Biixi Cabdi , waxa ayna ku baaqeen in ciidanka ku milmin siyaasiinta.

Xubnaha mucaaradka ayaab shaaciyay in ay abaabulayaan dibadbax ka dhan ah dib u dhaca Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo lagu waday in la qabto November 2022 balse dib u dhacday maadaama Golaha Guurtida waqti dheeraad ah siiyay Xukuumadda.

Beesha Caalamka ayaa ka digtay rabshado markale ka dhaca Deegaannada Somaliland, xalka keliya looga hortagi karo uu yahay in Mucaaradka & Xukuumadda ay wada hadlaan si ay uga xaajoodaan xalka ugu wanaagsan oo ay gaari karaan.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu Muuse Biixi sii joogo xafiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.