London (Raxanreeb ) Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad .
Elizabeth iyo walaasheed Margaret Rose, oo iyaduna dhalatay 1930-kii waxa ay labadooduba wax ku barteen guriga, waxaana ay ku koreen jawiga aadka loo jecleysto ee qoyska boqortooyada.
Iyadoo lix sano jir ah, Elizabeth waxa ay tababareheedii farda-fuulista u sheegtay in ay rabtay inay noqoto “Marwada dalka, ayna yeelato fardo iyo eeyo tiro badan”.
Sanadkii 1939-kii, amiiradda oo xilligaas 13 sano jirka ah ayaa ku wehelisay boqorka iyo boqoradda booqasho ay ku tagayeen dugsiga tababarka ciidamada badda ee boqortooyada, kaasoo ku yaallay magaalada Dartmouth.
Iyada oo ay la socotay walaasheed Margaret, waxaa waardiye looga dhigay mid ka mid ah ciidankii tababarka ku jiray, kaasoo ahaa ina abtigeed saddexaad, waana Amiir Philip oo kasoo jeeday Giriigga.
Amiir Philip waxa uu qoyska boqortooyada ee qaraabadiisa ah booqday marar uu fasax uga tagay ciidanka badda – waxa ayna ahayd sanadkii 1944-kii, xilligaasoo ay jirtay 18 sano, markii ay Elizabeth si cad u jeclaatay isaga.
.Sanadkii 1977, xuska munaasabaddii Silver Jubilee ee ahayd 25 sano-guuradii kasoo wareegtay markii ay Elizabeth boqoradda u noqotay dalalka barwaaqo-sooranka waxaa si weyn loogu dabaal-dagay waddooyinka iyadoo ay ka qeyb qaateen dhinacyo badan oo ku damaashaaday guud ahaan dalalka hoostaga boqortooyada.
Elizabeth waxa ay si fiican u taqaannay hoggaamiyeyaasha Afrika, waxa ayna u calool-nugleyd dhaqdhaqaaqyadooda.
Markii uu dhammaaday Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, waxa ay tagtay dalka Mareykanka waxa ayna noqotay boqoraddii Britain ee ugu horreysay ee khudbad ka jeedisa kulanka Aqalka Congress-ka Mareykanka.
Aftidii ku saabsaneyd madax bannaanida Scotland ee dhacday bishii September ee sannadkii 2014-ki , waxa ay waqti tijaabo ah u ahayd boqoradda.
Dad kooban ayaa illoobay khudbaddeedii ay baarlamaanka ka jeedisay sannadkii 1977-ki taasoo ay si cad ugu qeexday sida ay diyaar ugu ahayd midnimada boqortooyada midowday.
9-ki bishii September ee sannadkii 2015-ki waxa ay noqotay boqoraddii ugu waqtiga dheereyd ee xilka heysa taariikhda Britain, iyadoo ka waqti dheeraatay boqoraddii horay ugu waqtiga dheereyd ee Queen Victoria, taasoo ah ayeeyadeeda saddexaad.
Leave a Reply