SOOL oo Somaliland Guddoomiye u magacowday

SOOL oo Somaliland Guddoomiye u magacowday

Hargaysa ( Raxanreeb ) Somaliland ayaa Guddoomiye u magacwaday gobollka Sool oo dagaal uu ku dhaxmarayo dadka deegaanka iyo Somaliland.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay , in Somaliland gobolka Sool uu yeeshay Guddoomiye hoostaga Somaliland.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool ee la magacaabay ayaa ah  Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, waxa uuna kamid yahay ganacatada qaadka ee gobolka Sool.

Guddoomiyihii gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji ayaa isna loo badalay Galibay, waxaana xilkiisii waayay guddoomiyii hore ee Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Somaliland ayaa isbedelo ku sameyeay sidoo kale Guddoomiyaal dhawr ah , taas qayb ka ah sida Somaliland ay sheegtay xalisinta iyo isbedelka

Gobolka Sool waxa ka socda dagaal bilooyin badan socda , waxaana tani lagu tilmaamay mid xaalada uga sii dari karta maadama aan wax xal ah laga gaarin colaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.