Mishkiladaha uu dhax- maquurinayo gobolka Hiiraan- Xog & Xaalad Jirta

Mishkiladaha uu dhax- maquurinayo gobolka Hiiraan- Xog & Xaalad Jirta

Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxaa maalintii shanaad ka jira fatahaad lixaad leh oo saameysay qoysas badan oo halkaas ku nool.

Inta badan magaalada Beledwayne waxaa isaga barakacay qoysaskii ku nool kuwaas oo gabaadsaday duleedka magaalada.

Maamulka magaalada Beledwayne ayaa sheegay in ay aad u liidato nolosha qoysaska ka baxsaday magaalada kuwaas oo noloshada ay aad u liidato.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddi u magacaabay fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddigaan oo u xilsaaran Gurmad degdeg ah in la gaarsiiyo qoysaska uu saameynta taban ku reebay Webiga Shabeelle ee karkaarada ku jabsaday Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa ka shaqeynaya sidii loo gacan-qabanaa qoysaska barakacay.

Dhibaatooyinkan jira ayaa sabab u ah lunsashada lacag loogu talagalay in wax loogu qabto biyo xireen ay yeelato magaalada Beledwayne.

Gobolka Hiiraan waxaa xilligan ka jira dhibaatooyin is biirsaday sida dagaalka ka dhanka ah Al- shabaab iyo fatahaadaha kuwaas oo ragaadiyay nolosha qoysas badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.