Dagaalka ka socda Laascaanood oo maalintii  ‘’afaraad galay’’

Dagaalka ka socda Laascaanood oo maalintii  ‘’afaraad galay’’

Laascanood (Raxanreeb ) Maalintii afaraad oo xiriir ah waxa magaalada Laascanood ee gobolka Sool ka dhacaya dagaal   barbar socda – hoobiyaal ,kuwaas oo gaysanaya khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada Laasacanood ee gobolka Sool ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay markale ay ku waabariisteen  dhawaqa rasaasta iyo hoobiyaasha ku dhacaya meelo badan oo magaalada ah .

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo aan la tiro koobin hase ahaatee tiro beel ah waxaa – barbar socda barakaca Dadka Shacabka ka gadaal markii xaafadaha qaar ay ku dhaceen Hubka culus ee la isku adeegsanayo.

Dagaalka oo ah mid sii xoogeynsanayo ayaa sidoo kale kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka go’een biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascanood ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, laguna bedelo wada- hadal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.