Nairobi (Raxanreeb ) – Soomaalida ku nool xaafada Islii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wajahay saacadihii la soo dhaafay xaalad koronto la’aan ah
Raxanreeb oo ay la xiriirtay Soomaalida dalkaas ku nool gaar ahaan xaafada Islii ayaa sheegay in tani saamayn xoogan ay ku yeelatay hanaanka nolosha caadiga ah ee dadka.
Waxay koronto la’aan ka jirtaa qaybo ka mid ah ismaamullada Nairobi, Kajiado iyo Kiambu ee dalka Kenya.
Meelaha uu adeeggan muhiimka ah maanta ka maqan yahay waxaa ka mid ah aagga waddada Maxamad Yuusuf Xaaji ,Moyale Mall , California, Isbitaalka Pumwani, Isbitaalka Care.
Shirkadda korontada ee dalka ee KPLC ayaa arrinkan dadka ku wargelisay waxa ayna sheegtay in koronto la’aanta oo soo billaabatay saacadihii la soo dhaafay ee shalay.
Leave a Reply