Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo maanta si wadajir ah looga dabaal degayo Ciidul Adxa

Soomaaliya iyo dunida inteeda kale oo maanta si wadajir ah looga dabaal degayo Ciidul Adxa

Muqdisho (raxanreeb Online) Dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Caalamka Muslimka, ayaa si wadaji ah looga Ciiday maanta munaasabadda Barakeysan ee Ciidul Adxa.

Saalada Ciida ayaa waxaa laga oogay magaalooyinka waa weyn iyo deegaanada miyiga, ee Soomaaliya.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Masaajidada waa weyn, iyaga oo saaladda kaddib isugu hambalyeeynayay farxada munaasabadda Ciidul Adxa.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hambalyo u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ku nool.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in maalmaha Ciida ay si nabad ah u dabaal deggaan, iskuna mar xabeeyaan isuguna gar gaaraan kana shaqeyaan midnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.