Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho Ka Daah-furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho Ka Daah-furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Madasha waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka, kalluumaysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in iskaashiga ganacsi ee labada dal uu fursad u yahay soo jiidashada maalgashiga shisheeye, abuurista shaqooyin cusub iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Madasha ayaa sidoo kale loogu talagalay in ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Shiinaha ay si toos ah isugu xirmaan, loona abuuro fursado iskaashi oo ka gudba wada-hadallada una gudba maalgashi dhab ah iyo mashaariic wax-ku-ool ah oo gudaha Soomaaliya laga hirgeliyo.

Haddii fursadahaas si wanaagsan loo hirgeliyo, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuu si gaar ah muhiim ugu noqon karaa kaabayaasha dhaqaalaha, kalluumaysiga, beeraha, tamarta iyo gaadiidka, oo kamid ah meelaha Soomaaliya ay weli u baahan tahay maalgashi ballaaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.