Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in tiradii ugu badnayd oo xoolaha ay ka dhoofisay Soomaaliya.
Xoolahan ayaa loo dhoofiyay dalalka imaaraadka carabta halkaas oo ah halbowlaha dhoofka xoolaha Soomaaliya .
Wasaaradda Xannanada Xoolaha Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya ay gaareyso in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.
Wasiirka Xasan Xuseen Eeleey xanaanada xoolaha ayaa sheegay in tirada xoolaha laga dhoofiyay dalka sanadkaan ay ka badan yihiin tii sanadkii hore, taasi oo ay keentay sare u kaca Xujeyda iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in sababta xoolaha ugu badan ee Khaliijka ay tahay iyadoo dalka Sacuudiga u xujeyeen tiradii ugu badnayd oo Soomaali ah taas oo tirada sare u qaaday.
Leave a Reply