Dawladda Soomaaliya ayaa u soo jeedisay Ruushka inuu safaarad rasmi ah ka furto caasimadda Muqdisho , sida u sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta Dawladda Ruushka ee RIA Novosti.
Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa .
Sidoo kale Ruushka ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya, markii bishii May ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday Safiirka Ruushka ee Soomaaliya , Danjire Mikhail Golovanov, kaas oo aan degganayn Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Leave a Reply