Soomaaliya & Qatar ma isla soo qaadeen tababarka ciidanka & Amniga

Soomaaliya & Qatar ma isla soo qaadeen tababarka ciidanka & Amniga

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa  maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay  Safiirka Dowladda Qatar

Labada masuul  Soomaaliya iyo Qatar ee Abshir Cumar Jaamac Soomaaliya iyo Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim ayaa isla soo qaaday xiriirka labada dal iyo  iskaashigooda.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay amniga  iyo sida ay muhiim u tahay in Qatar ay ka qayb qaato  tababarka ciidanka.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

Dowlada Qatar ayaa xiriir wanaagsan oo aad adag la laheyd dowladii Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku taageeray dhaqaale iyo siyaasad intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.