SOOYAAL : Kuma ayuu ahaa Professor Jawaari oo ku geeriyoodey Muqdisho ?.

SOOYAAL : Kuma ayuu ahaa Professor Jawaari oo ku geeriyoodey Muqdisho ?.

Muqdisho (Raxanreeb )- Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.Tanina waa taariikhiisa oo kooban.

Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.

Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP.

Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dastuurka  oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadli jirey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.Xilka gudoomiyenimo ayaa loo doortey sanadkii 2012kii Alle ha u  naxaristee Jawaari waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed,oo wax badan ka shaqeeyey maslaxada umadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.