Sooyaalka :  Daljirka  DAHSOON ee la ubax dhigay  maanta xuska 1-da Luulyo

Sooyaalka :  Daljirka  DAHSOON ee la ubax dhigay  maanta xuska 1-da Luulyo

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sannad-guurada 63-aad oo ku aaddan markii ay gobollada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee Kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabaddan ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka kala ka qaatay salaan, wax yar ka hor xilliga calan-saarka.

Madaxwaynaha ayaa maanta ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon , halkaas oo ciidanka ay  xireen ka  hor inta   Xasan Sheekh Maxamuud gaarin.

Muxuu yahay Daljirka Dahsoon?

Taallada Daljirka Dahsoon waxay astaan u tahay qabuuraha askartii Soomaalida ee u dhintay difaacidda Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse aan la aqoonin. Waa calaamad muhiim ah oo caan ka ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxay ku taallaa agagaarka dhismihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya. 22 sano kaddib burburkii Soomaaliya ayaa dayactir lagu sameeyay taalladan oo hadda aad u qurux badan.

Waxaajira xasuuso u gaar ah qaar ka mid ah halyeeyadii qaranka Soomaaliya, sida Axmed Guray, Xaawo Taako, Xalane, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sheekh Xasan Barsane iyo Dr Xuseen Sheekh Kadare, kuwaasoo dhammaantood ay taallooyin ugu dhisan yihiin Muqdisho.

Hase yeeshee, geesiyaasii soo maray ciidanka Soomaaliya ma aha kuwo faraha lagu tirin karo, waxaana ka mid ahaa xubnihii ururkii xornimo doonka ee SYL. Sidaas awgeed waxaa guud dhammaantood wakiil ka ah taallada Daljirka Dahsoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.