SOOYAALKA  Madaxwayne Erdogan  ee markale ku guulaystay doorashada Turky-ga.

SOOYAALKA  Madaxwayne Erdogan  ee markale ku guulaystay doorashada Turky-ga.

ISTABUL (Raxanreeb ) Madaxweyne Rajab Axmed Dayib Erdogan ayaa  mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo dadka iyo dalka  Jamhuuriyada Turky-ga  ka dib doorasho la isla aaday wareega labaad  taas oo ka dhacday Turky-ga.

Taariikh nololeedka Recep Erdogan ayaa si cad u muujinaysa rabitaanka awoodda. Recep Tayyip Erdogan waa siyaasi iyo siyaasi Turki ah. Raiisel wasaaraha Turkiga tan iyo 2003, hogaamiyaha xisbiga dhexdhexaadka ah ee Cadaalada iyo Horumarka ee Islaamiyiinta.

Erdogan ayaadhalasho ahaan ka soo jeeda magaalladda RIZE oo caasimad u ah Gobolka RIZE ee Bariga Turkiga waxa uu ku dhashay Xaafadda Kasimpasa  ee magaaladda Istanbul 26-kii Feberaayo ee sannadkii 1954-kii.

Markii uu dhalinyaro ahaa, Recep waxa uu shaqayn jiray isagoo waddada ku iibin jiray liinta iyo rootiga. 1969-1980 wuxuu kubbadda cagta u soo ciyaaray kooxo dhallinyaro ah oo kala duwan oo Istanbul ah.

Waxa uu W/barashadiisa Dugsiga Hoose/Dhexe ku soo qaatay Dugsiga Kasimpasa Piyala Primary School sannadkii 1965-kii, wuxuuna Dugsigii Sare kaga qalin jebiyey Dugsiga Sare ee Imaam Hatip School sannadkii 1973-kii.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan inta uusan Siyaasadda soo dhex gelin waxa uu ahaa Ciyaartoy ka tirsan Naadiga  K/cagta ee Kasımpaşa Spor Kulübü oo la asaasay sannadkii 1921-kii, kana mid ahayd Kooxaha Heerka Koowaad ee Turkiga.

Waxa uu bishii July 15-dii ee sannadkii 2016-kii ka badbaaday Afgembi Dhicisoobay oo ay Sarkaal Milliteri ku doonayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Erdogan, balse, Shacabka Turkiga ayaa si xooggan u difaacay Madaxweynaha.

In muddo ah, Recep waxa uu la taliye iyo maamule ka ahaa waaxda gaarka loo leeyahay, 1982-kiina waxa uu ku biiray ciidanka.

Madaxweyne Erdogan oo 64-jir waxa mar kale uu  ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda, wuxuuna xilkaasi sii hayn doonaa 5-ta sanno ee soo socota.

Madaxweyne Erdogan waa Xaasle, aabe u ah 4 Carruur (2 wiil iyo 2 gabar), wuxuuna Awoowe u yahay ilmaha ay  Ubadkiisa sii dhaleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.