Souef ‘’ Al- Shabaab waa lagu jabiyay howlgalka ka socda Soomaaliya ‘’

Souef ‘’ Al- Shabaab waa lagu jabiyay howlgalka ka socda Soomaaliya ‘’

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsab Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka KMG ee Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalada ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka.

Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaaday talaabooyin ay ku xasilanayso guud ahaan  goobaha ay ku sugan yihiin – kooxda Al- Shabaab.

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray Danjire Maxamed Al-Amiin Souef in la jabiyay kooxda Al- Shabaab , isla markaana waxa xiga ay tahay xalisilinta goobaha laga saaray kooxda Al- Shabaab.

“Al-Shabaab waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad”ayuu yiri Madaxa howlgalka ATMIS Maxamed Al-Amiin Souef.

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Waxa uu sheegay Danjiraha in dhankooda diyaar ay u yihiin caawinta ciidanka Dowladda Soomaaliya , inkastoo wax saamayn ah ATMIS aysan ku lahayn qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.