Suuq lagu iibiyo qudaarta Degmada Afgooye oo Qarax uu ka dhacay.

Afgooye (Raxanreeb ) Goob dadku ay ku badan yihiin oo ku taala suuqa qudaarta Degmada Afgooye ayaa maanta waxaa ka dhacay qarax nooca dhulka la galyo.

Waxa la sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ay fariisan jireen ciidanka waaxda Canshuuraha ee degmadaas , in kastoo xiliga qaraxa uu dhacayay ciidanka ay ka maqnayeen.

Lama sheegin weli halka uu la eg yahay khasaaraha qaraxan ka dhacay maanta suuqa qudaarta lagu iibuiyo ee degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Qof ku sugan degmada Afgooye ayaa RBC u sheegay in ciidanka ay bilaabeen in dad u badan dhallinyaro ay ka qab – qabtaan halka uu qaraxan ka dhacay.

Maamulka Degmada Afgooye weli wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa hase ahaatee dhawr jeer ayaa sidan oo kale qaraxyo ay uga dhaceen degmada Afgooye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.