Suuqa Ganacsiga Degmada Afgooye oo xiran + sababta

Suuqa Ganacsiga Degmada Afgooye oo xiran + sababta

Afgooye (Raxanreeb ) Maanta oo sabti ah waxaa gabi ahaanba xiran suuqa  ugu way nee ganacsiga degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose , halkaas oo la sheegay in aan wax ganacsi ah ka socon.

Sid ay sheegeen dad halkaas ku sugan goobaha  ganacsiga ee maanta xiran ayaa saamayn waxa ay ku yeelatay  ganacsatada halkaas ku sugan kuwaas oo sheegay in wax ganacsi ah maanta aysan samayn.

Suuqa Afgooye ayaa sababta uu u  xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo.

Maamulka degmada Afgooye wali wax war ah ma uusan ka soo saarin xaaladda maanta oo sabti ah ka taagan suuqa way nee degmada Afgooye oo gabi ahaanba albaabada loo laabay.

Sawiro laga helay suuqa oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyanaya  goobo badan oo ganacsi oo gabi ahaanba  maanta la furan waxaana waddooyinka is taag taagan ganacsatada.

Ciidamo hubeysan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

Dhawr jeer ayaa sidan oo kal waxa albaabada loo laabay goobaha ganacsiga ee  suuqa degmada Afgooye sabab la xiriirta , sheegashada shaqsiyaad ee lahaanshaha dhulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.