WFP ‘’ Waxaan dhimaynayaa 20% raashinka la siin jiray qaxootiga Dhadhaab ‘’

WFP ‘’ Waxaan dhimaynayaa 20% raashinka la siin jiray qaxootiga Dhadhaab ‘’

Raxanreeb (Dhadhaab ) Hay’adda cunnada Adduunka ee WFP ayaa dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab u sheegtay in raashinkii deeqda ahaa ee la siin jirey qaxootiga la dhimayo 20% laga billaabo bishan July.

Hay’adda oo warkaa dadka ku gaarsiisay fariimo ay ugu dirtay telephone-nada gacanta ayaa talaabadaa ku macnaysay dhaqaale yari soo wajahday hay’adda.

Raashinka la dhimay ayaa si aad ah u saamaynaya dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab , iyada oo dadka ugu sii daran ee talaabadaa u dhutin doonaa ay yihiin dadka xeryaha ku cusub ee aan iyagu weli loo aqoonsan qaxootiga rasmiga ah.

Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa walaac ka qaba go’aanka cusub ee ka soo baxay Hay’adda cunada Aduunka ee WFH ee la xiriira dhimista raashiinkii ay heli jireen.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaala waqooyi bari ee Kenya, waxaa la sameeyey 1991-dii waqtigaas oo u jeedaduna ahayd in si ku meel gaar ah loo dejiyo qaxootiga ka soo qaxayey Soomaliya burburkii ka dib.

Xeryaha Dhadhabaab, waxaa loogu talagalay in ay hooy u noqdaan sagaashan kun oo qaxooti ah. Balse, haatan tirada qaxootiga ku nool waxay caga cageyneysaa nus milyuun qof.

Horay ayay Kenya marar kala duwan u soo saartay qorshe ay ku xireyso xeryahaas oo dadka ku jira ay u badan yihiin qaxooti Soomaali ah. Dalalka kale ee qaxootigan ay kasoo kala jeedaan waxaa ka mid ah Suudaanta Koonfureed, Itoobiya iyo Burundi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.