Suuqa  xoolaha  degmada Afmadow oo ‘’qarax miino’’ laga soo saaray.

Suuqa  xoolaha  degmada Afmadow oo ‘’qarax miino’’ laga soo saaray.

Dhoobley (Raxanreeb ) Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa suuqa Degmada Afmadow ka soo saaray qarax miino oo halkaas la galiyay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha maamulka  Jubbaland.

Ciidanka  ayaa sheegay  in howlgal ay ka fuliyeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Degmada Afmadow ay ku guulaysteen in miinada ay ka  soo saaraan goob muhiim ah oo la galiyay.

Sarkaal ka tirsan  ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in ujeedka miinadan ay ahayd in lagu dhibaateeyo  ganacsatada xoolaha iibisa saylada ganacsiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

‘’ Kooxaha argagaxisada waxa ay doonayeen in ay dhibaateeyaan shacabka ilaah mahadii waan ka hortagnay dhagartooda ‘’ sidaas waxa sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Jubbaland.

Waxa ay ugu baaqeen shacabka saraakiishan in ay la shaqeeyaan  ciidanka amniga si loogu guulaysto in laga hortago dhibaatooyinka soo gaara dadka shacabka ee aan ku lugta lahayn dagaalka iska soo horjeeda.

Dhawr mar ayaa sidan  oo kale ciidanka maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay ugu guulaysteen in ay ka hortagaan dhibaatooyin ay sheegeen in loo maleegay dadka – shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.