suurtagalnimada in Dowladda Federaalka laga cafiyo Deymaha.

Washington (Raxanreeb ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga ee (IMF Afrika Group 1) oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika.

Waxaa shirkaas diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. #Sérgio_Pimenta, Wasiirka ayaa kala hadlay sidii loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka.
Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.