Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxa uu S/Guuto Liibaan Cali Yaroow u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.
Waxaa xilkaan hore uga qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu yiri “Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay S/Guuto Liibaan Cali Yarow Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ka dib soojeedin uu sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga JFS.”
Waa markii 2-aad ee Liibaan Yarow qabanayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, bishii September 2014 ayayna ahayd markii uu isla-xilkaan u magacaabay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaas Maxamed Sheekh Xasan.
S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo shahaadada Master-ka ka diyaariyey culuumta amniga ee Jaamacadda Naayif Al-Carabiya oo ku taalla Sacuudiga , ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida.
Leave a Reply