Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni oo waqtiga uu ka dhamaanayo ayaa markale lagu soo waramayaa inuu qortay xubno cusub oo la sheegay inay matalayaan SSC Khaatumo oo hore isaga diiday ka mid noqoshada Barlamaanka Puntland.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka soo jeeda SSC Khaatumo ayaa sharci darro ku tilmaamay xubnahaas la sheegayo inuu banaanka ka qortay Saciid Deni oo isagana ku jira Olole siyaasadeed.
Labada masuul ayaa waxaa la sheegay inuu hadda ka dhex taagan yahay muran culus kaasoo aan la ogeyn halka uu saldhigan doono.
Musharrixiinta Mucaaridka ayaa sidoo kale ka horyimid xubnaha uu Deni suuqa ka qortay ee metelaya xildhibaannadii SSC laga soo dooran jiray.
Waxay ku baaqeen in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maadaama reer SSC samaysteen maamul gaar ah, islamarkaana ay goβaansadeen in aysan ka qayb gelin doorashada Puntland.
Leave a Reply