Garoowe ( Raxanreeb ) War ka soo baxay Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Saciid Deni Maxamed Saciid Faroole ayuu ku sheegay inuu isaga tagay xukuumadda Deni.
Arintan ayuu salka uga dhigay Wasiirka talaabooyin uu ku qaaday Madaxwayne Saciid Deni oo ugu sii daraysa xaaladda hadda ka taagan arrimaha doorashooyinka .
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ay ku xiriirtu ayuu wasiirka xilka ka tagay u qoray sida tan :
Khamiis: 28 Diceember 2023:
Waxaan ka xumahay go’aanka uu Madaxweyne Siciid Cabdulahi Deni caawa ka gaaraay doorashada Puntland, khaas ahaan go’aankiisa ku aadan xulista 17 Xildhibaan ee gobolada SSC ku matalijiray Baarlamaanka Puntland.
Waxaan horey, 16 Diseember 2023, isaga casilay Xisbi Siyaasadeedka Kaah oo ahaa Xisbigii uu hogaaminayey Siciid Cabdulahi Deni. Anigoo aaminsan in Xisbiga KAAH uu lahaa sababta ugu sareysa ee barnaamijka demoqoraadiyadu ufashilmay
Waxaan diidey inaan ka mid noqdo Gudi Xukuumada/KAAH ee uu Madaxweynuhu 15 Diseember 2023 u-xilsaaray una qaabilsan dawlada dib-u-soo xulashada Xildhibaanada cusub.
Waxaan ka xumahay in muddo 4 asbuuc ah uusan dhicin shirkii asbuuc-laha ahaa ee xukuumada iyadoo Madaxweynuhu Caasimada, Garowe, ku suganyahay xili xaallad aad u adag lagu jiro. Kumana guulaysan marar badan oo aan ku baaqay in la qabto. Taas oo kaliftay in xukuumadu wax wada tashi, falanqeyn iyo dood ah aysan ka yeelan siyaasadaha socda oo xawliga isku badalaya. Waana mida kaliftay in afkaarta iyo mowqifyadayda siyaasadeed public noqdaan oo aad baraha bulshada ku aragtaan.
Leave a Reply