DFS ” Hadalka Cali Dheere Afhayeenka Al- Shabaab waa cataaw ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliyeed oo hadlayay hadal ka soo yeeray Afhayeenka Al- Shabaab oo Dowladda ku weeraray ayaa sheegay in warka Cali Dheer u muuqdo mid micno badan lahayn.

Isgoo u waramayay Taliyaha Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in Al- Shabaab hada ay u muuqdaan kuwa ku jabaya sida uu yiri dagaalada kaga furan gobolada dalka.

“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul dareysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Biixi ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab hormuud ay u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer caraqaladaynayeen taasna keentay jabka gaaray.

Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa intaas warkiisa waxaa uu ku daray in ay muuqanayso guuldarada Al- Shabaab ay kala kulmeen sha shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

Hadalkan ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii Afhayeenka Kooxda Al- Shabaab Cali Dheere uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.