USA (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in dowladda Iran ay bixiso magdhow loo siinayo dhinacyadii waxyeelladu kasoo gaartay dagaalkii Bariga Dhexe.
Trump ayaa sidoo kale doonaya in magdhowgaasi uu ku jiro qaybo ka mid ah shidaalka iyo gaasta uu Iran hodanka ku yahay.
Dalabkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, iyadoo laga doodayo khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo sida loo wajihi doono magdhowga.

Leave a Reply