UAE ‘’Sarkaal kale oo dhaawac ahaa ayaa geeriyooday ‘’-WARAR CUSUB.

UAE ‘’Sarkaal kale oo dhaawac ahaa ayaa geeriyooday ‘’-WARAR CUSUB.

Abu Dhabi (Raxanreeb ) Imaaradka carabta waxaa maanta oo Axad ah la geeyay mayd saraakiil tababar siinayay ciidanka Dowladda Soomaaliya kuwaas oo lagu beegsaday xerada Gardon ee magaalada Muqdisho.

War  ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in hada uu dhintay  sargaal kale oo dhaawac kasoo gaaray weerarkii lagu qaaday xerada  Golden ee magaalada Muqdisho.

Waxaa falkan cambaareeyay  dowladaha Mareykanka  Jabuuti  iyo  dalal  kale kuwaas oo sheegay in ay ka xun yihiin wixii ku dhacay imaaraadka carabka ee lagu laayay saraakiishooda.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in saraakiisha lagu laayay xalay Xerada Jeneraal Golden eysan daganeen halkaasi, balse ey daganyihiin gudaha xerada Xalane halkaasna ay si joogto ah uyimaadaan si tababarka usiiyaan ciidanka kuxareesan xerada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan, iyadoo markii uu weerarka dhacay ey soo baxayeen warar sheegaya in ninka weerarka geeystay uu markiisii hore katirsanaa Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada baaritaan ku saabsan wixii ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.