Ujeedka Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh ee Itoobiya.

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray magaalada Adis -Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madax dalkaas.

Madaxweyne Xasan safarkaan uu ku tagayo dalka Itoobiya ayaa ah safarkii ugu horeeyay uu ku tagayo dalkaas, kadib markii madaxweynaha dalka loo soo doortay 15-kii bishii May 2022, markiisii labaad xilka.

Xubnaha ugu horeeya ee Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu la kulmi doono ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abay Ahmed oo xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh uu aad u hooseeyo.

Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa oo u jeedkiisu yahay sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga diblumaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya ayaa la qorsheeyay bishii hore, hayeeshee arrimo farsamo oo labada dhinacba ah ayaa sababay inuu dib u dhaco.

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir soo jireen tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii kacaanka sanadkii 1991-kii, isyaga oo iskaashi ka lahaa dhinacyada amniga iyo gacansiga.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.