Hadalka Taliye Shub Ma Qirasho Boob Hanti Dadwayne oo uu ku kacay Miyaa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyihii hore ee ciidanka Asluunta haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa meel fagaaraha oo ku taala magaalada Baydhabo ka jeediyay hadal siyaabo kala duwan loo tarjumay oo qabsaday bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka oo xirnaa dharka ciidanka Dowladda lana hadlayay ciidamo ka tirsan maamula Koonfur Galbeed gudaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in intii uu joogay Baydhabo oo u ahaa Taliyaha ciidanka aanay waxba ka dhisan dadka reer koonfur Galbeed.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan jirin Hal- Tabakaayo uu ka dhistay magaalada Baydhabo inta uu xilka hayay hase ahaatee markii uu aaday Muqdisho dhawr dhismo uu ka bilaabay magaalada Baydhabo.

“Ma jirto hal tabakaayo oo aan idinka ka dhistay marka aan tagay Muqdisho ayaa wax xooga bilaabay in aan samaysto ma jirto idinka wax idinka dhistay ee taas ogaada ” ayuu sheegay Xildhiban Mahad Cabdiraxmaan Taliye shub.

Hadalkan ayaa dad badan waxa ay ku tilmaameen inuu yahay qirasho ah in Xildhibaanka uu blaabay inuu guryo ka dhista Baydhabo inta uu hayay xilka Taliyaha Ciidanka Asluunta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa lagu yaqaana in uusan – hadalka la gaban , oo uu sheego waxa uu qabo , taas oo keentay in hadaladiisa siyaabo kala duwan loo tarjumo.

Laakiin hadalka Taliyaha ee ah inuusan waxba ka dhisan Hantida dadka Koonfu Galbeed taas bedelkeena uu wax dhistay markii Muqdisho ku yimid ayaa loo arkaa masuul qirtay in hanti uu shacabka Soomaaliyeed ka boobay.

Masuuliyiinta xilalka haya ayaa la rumaysan yahay in ka hor inta aysan xilka ka degin ku takri falaan hantida shacabka , isla markaana aysan jirin cid kala xisaabtanta gabood falada ay gaystaan.

Dal sida Soomaaliya oo kale oo burbur ka soo kabanaya ayaa la rumaysan yahay in ay ka dhici karaan boobka hanti dadwayne oo aan la isku daba- galin taas oo maanta keentay hadalka ka soo yeeray Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta ahna xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.