UK iyo Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

UK iyo Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiiradda UK u qaabilsan Horumarinta iyo Afrika, Kirsty McNeill, ayaa shalay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay booqasho ku joogtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta amniga, xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysaa dood siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

UK ayaa sheegtay inay muhiim u aragto in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay yeeshaan wada-hadal loo dhan yahay, si loo gaaro Soomaaliya ammaan badan, xasilloon oo leh hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.