UPDATE  10 qof oo isugu jira askar & rayid ku geeriyooday qaraxydii Baardheere

UPDATE  10 qof oo isugu jira askar & rayid ku geeriyooday qaraxydii Baardheere

Baardheere  (Raxanreeb ) Qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xero ciidan oo kutaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana qaraxyada kaddib laga maqlay rasaas aad u xooggan iyo qaraxyo kale.

Sida aan wararka ku helnay labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay xerada ciidanka ADC ee degmada Baardheere, halkaas ay degan yihiin ciidamo katirsan ATMIS gaar ahaan kuwa IToobiya .

Inta la xaqiiyay waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeem in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday ayaa ka dhacay gudaha degmada, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xerada weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ku xareesnaayeen ciidamo cusub oo loo tababarayay in ay Al Shabaab ka xureeyaan deegaannada maamulka Jubbaland ,gaar ahaan gobolka Jubada Dhaxe oo Al Shabaab gabi ahaan maamulaan.

Si kastaba, Baardheere ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan Gedo iyo Jubbooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.