Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Mareykanka ayaa bixisay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ee xilligaan kajirta meelo kamid ah dalka Soomaaliya.
War kasoo baxay Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Gargaarka ee USAID ayaa waxaa lagu sheegay in ay si degdeg ah u kordhiyeen dadaallada gargaarka si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah si wax looga qabto abaarta.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri.
“Dadka Maraykanku waxa ay bixiyeen in ka badan $700 milyan ilaa maanta si ay wax uga qabtaan dhibaatada abaarta ee wax yeelaysa ku dhawaad kala badh dadka Soomaaliya. OCHA iyo USAIDSomalia waxay si degdeg ah u kordhiyeen dadaallada gargaarka si ay u bixiyaan gargaar degdeg ah. Wax badan waa inay ku biiraan dadaalkan”.
Soomaaliya waxaa ka taagan dhibaato ba’an oo ka dhalatay abaaraha ka jira meelo badan oo Soomaaliya ah , waxaana jirta walaac laga qabo xaalada is bedbedalaysa ee ka dhashay abaaraha.
Hay’adaha Gargaarka ayaa dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan , wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha , ka jira gobolo badan oo Soomaaliya ah.
Leave a Reply