Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa goordhaw ka biloowday kulan u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee ee Dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed iyo musharaxiinta madaxweyne ee kala ah Cabduqaadir Cosoble iyo Cabduqaadir Macalin Nuur.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo kulankan, ayaa sheegaya inuu daaran yahay sidii markale ay miiska wadahadalka isugu imaan lahayeen mucaaradka iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey ee ay si gooni ah isku arkaan mas’uuliyiintan, waxaana xubnahan ee uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh, ay yihiin kuwa doonaya in la dajiyo oo xal laga gaaro xaalada siyaasadeed ee cakiran.
Kulankan ayaa ah mid ay bulshada soomaaliyeed ay indhaha ku wada hayaan, isla markaana loo arko mid markale miiska wadahadalka isugu keeni kara golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dowladda federaalka.
Sikastaba, todobaadkan gudahiisa ayey aheyd markii labo kulan oo Villa Somalia, ku yesheen golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dowladda federaalka uu natiijo la,aan kusoo dhammaaday, markii dhinacyadu ay ku heshiin wayeen nooca doorashada uu dalka aadayo iyo joojinta wax-ka badalka dastuurka.

Leave a Reply