Villa Somalia oo war ka soo saartay ”Safarka” Xasan Sheekh ee Baydhabo.

Villa Somalia oo war ka soo saartay ”Safarka” Xasan Sheekh ee Baydhabo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.