Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho lagu toogtay wiil dhallinyara ah kaas oo ku sugnaa degmada Dharkanlay ee Muqdisho.
Koox hubaysan ayaa la sheegay in dilkan ay ka danbeeyeen kuwaas oo falka ka dib isaga baxsaday goobta.
Wiilka Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Dilka wiilkan dhallinyarada ayaa warar horudhac ah oo soo – baxaya waxa ay sheegayaan in salka ku hayo dhac koox hubaysan ay la damacsanayeen marxuumka.
Ciidano ka tirsan maamulka degmada Dharkanlay ayaa soo gaaray goobta , dilka uu ka dhacay oo ahaa Xaafada Kaabo- Goday oo ka mid ah xaafadaha ugu amaan daran ee caasimadda.
Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada wax bartay ee kunool Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply